Sheekh Cabdirashiid Sh. Cali Suufi oo muxaadaro lagu diirsaday ka jeediyey magaalada Borlänge

FIIRSO SAWIRADA: Ururka Midnimada Soomaaliyeed UMIS oo ka dhisan magaalada Borlänge ayaa ku guuleysatay inaay marti qaado Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo si weyn looga qadariya Dalka Soomaaliyeed iyo dalalka Carabta ayaa muxaadaro ay dadweynihii ka qeyb galay ku diirsadeen ka jeediyey magaalada Borlänge.

Muxaadarada ayaa kasoo qeyb galay in kabadan 500 oo dadweyne halka 250 kalena ay hawada dhanka Paltalk ay kala socdeen, waxaana Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi uu halkaasi ka jeediyey is xusuusinta cabsida Allahisagoo ku booriyey in dhalaanka soo koroya ee ku nool qurbaha in si wanaagsan loogu tarbiyeeyo diintooda Islaamka isagoo tusay waalidiinta dhowr tusaalo oo ay ku dayan karaan ama diinta ay bari karaan.

Sheekh Cabdirashiid ayaa u duceeyey ummada Soomaaliyeed isagoo ugu duceeyey midnimo iyo inaay xariga Allah qabsadaan waxaana dadkii kasoo qeyb galay ay halkaasi kala noqdeen Qushuuc iyo faa’iido badan oo sheeka usoo jeediyey inaay ka faa’ideeystaan.

Dadweynaha Reer Borlänge oo aan hore uhelin fursadaan qaaliga ah ayaa waxaa mahadeeda iska leh Allah waxaase isku shuqliyey Ururka UMIS kaasoo wada dheer u maray sidii Sheekha uu dadkiisa ugu faa’ideeyn lahaa isla markaana u dhiiri galin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Borlänge oo ku nool ku dhawaad 2000 laba kun oo qoys.

Sheekha ayaa sheegay inuu magaaladaan aad ugu helay maadaama buu yiri ay ku mideeysan yihiin hal urur waana tan keentay buu yiri inuu kusoo dhiirado inuu muxaadaro ka jeediyo wuxuuna umahadceliyey dadweynihii kasoo qeyb galay una muujiyey sideey ugu heelan yihiin dhagaysiga muxaadaro diini ah oo kusaabsan diintooda.

Ugu danbayntii wareeysi aan la yeeshay Gudoomiyaha Ururka UMIS Mr. Sacad Muuse Yaasiin ayaa ii sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Ururka Islamiska Förbundet Järva oo ka qeyb qaatay sidii magaalada Borlänge uu u imaan lahaa Sheekh Cabdirashiid.

Gudoomiyaha UMIS ayaa mahad aan lasoo koobi karin u diray Ururka Islamiska Förbundet Järva waxaana uu ugu mahadcelinayaa sidii diiranayd oo ay ugu aqbaleen codsigooda.

Gudoomiye Sacad Muuse Yaasiin ayaa ku nuuxnuuxsaday in Ururka UMIS oo dhawaan lagu dhisay magaalada Borlänge uu hadafkoodu yahay sidii Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Borlänge sideey ugu haqab tiri lahaayeen arrimaha Bulshada ay ubaahan yihiin, wuxuuna balan qaaday inaay wadi dheer iyo mid gaaban ay umari doonaan sidii looga haqabtiri lahaa baahidooda.

Waxaa soo diyaariyey
Mohamed Abdulle Hassan ”Siidi”
soomaalidamaanta@live.com
Borlänge – Sweden








Waad aadi kartaa hoos si aad fikrad u reebtid. Pinging is currently not allowed.

Fikrad ku darso

Content Protected Using Blog Protector By: PcDrome.