Digniin caafimaad oo ku saabsan waxyaalaha jirka la iskaga cadeeyo

 

 

 

 

 

 

 

 

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa kula taliyay dadka ku nool gobolka in ay joojiyaan isticmaalka noocyo ka mida waxyaabaha la isku caddeeyo

Minnealopolis, May 26 – War-saxaafadeed ka soo baxay waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa kula taliyay dadka ku nool gobolka in ay joojiyaan isticmaalka noocyo ka mida waxyaabaha la isku caddeeyo, kadib markii baaritaano lagu sameeyay ay muujiyeen in ay ku jiraan heerar sare oo ah maadaada mercury-ga
Noocyadan baaritaanka lagu sameeyay ayaa waxa loo iibin jiray in ay yihiin maadooyinka la isku caddeeyo, inkasta oo ay suura-gal tahay in ay ku jireen qaar loo isticmaalo qurxinta ama nafaqaynta korka. Waaxdu waxa ay baartay 27 nooc oo laga soo xulay waxyaabahaas kuwaas oo ay ku jireen 23 kareem iyo afar saabuun.
War-saxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in 11 ka mida kareemka jirka ee la baaray laga helay maadda mercury-ga kuwaasoo heerarkoodu u dhexeeyaan 135 illaa 33,000 oo qaybood oo lagu dhuftay milyan (parts per million). Sida uu qabo sharciga Maraykanku, inta badan waxyaabaha la isku qurxiyo oo ay ku jiraan kuwa maqaarka lagu caddeeyo ayaa loo ogolyahay in ay ku jiri karaan qaddar aad u yar amaba wax ka yar hal qayb oo lagu dhuftay million, waana kaliya marka looga maarmi karin ama lagu khasban yahay in lagu daro si loo saaro.

Dhammaan dadka isticmaala waxyaabaha la isku qurxiyo ayaa lagula taliyay in ay joojiyaan isticmaalka haddii ayan hubin in ay ka marantahay maadaada Mercury-ga. Xittaa dadka waxa looga digay in wixii noocyadan la isku qurxiyo ee ay tuurayaan ayan ku ridin qashinka caadiga ah oo ay geeyaan meelo loogu tala-galay alaabta sumaysan oo loo cayimay. Arrintan ayaa muujinaysa khatarta ay leedahay maaddadan Mercuryga ee in badan oo dadka isticmaala ahi ayan haba yaraatee wax macluumaad ah kahayn. Dadka shakiga iyo su’aalaha qaba ayaa loo furay khadad telefoon oo ay 24-ka saac su’aalahooda iyo dareenkooda ku soo aaddin karaan.

Waaxdu waxa ay war-saxaafadeedkeeda hoosta uga xariiqday in noocyada la baaray ee alaabaha la isku qurxiyo ay wax yar uun ka yihiin waxa suuqyada u yaalla iibka.

Si looga badbaado maadadan sumaysan ayay waaxdu ku talisay in dadka isticmaalaayi ay iska hubiyaan xilliga gadashada in agabka ay gadanayaan lagu qoray maaddooyinka uu ka kooban yahay in ayan ku jirin maadooyinkaas tan Mercuryga. Waaxdu waxa ay soo bandhigtay qaabab kala duwan oo loo qori karo maadadaas waxana ka mida: “calomel,” “Mercuric,” “mercurous,” ama “merurio.”

Waa maxay Maadaada Mercuryga?
Mercuryga waa walax kiimikaad, una muuqan karta qaab bir ahaaneed amaba dareere marka ay ku sugan tahaya xaalad heer-kuleed oo mucayan ah. Mercury waa maadoo aad u sumaysan waxana ay u baahan tahay in lagula macaamilo taxaddar aad u sareeya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota, marka maadaadan mercury-ga la mariyo oogada waxa uu hoos ugu duxdaa jirka hoose, waxana la wariyay dad isticmaalay waxyaabaha la isku qurxiyo oo dhiiggooda iyo kaadidoodaba laga helay heerar sareeya oo ah maadaada mercury-ga.

Saraakiishu caafimaadku waxa ay sheegeen in walwalka ugu wayn ee laga qabo isticmaalka waxyaabaha ay ku jirto sunta mercury-gu in ay tahay saamaynta ay ku yeelan karto kelyaha.

Waa maxay saamaynta maadadan mercury-ga?
Heerar sare oo mercury ah oo jirka gala, ama maadadaas oo si tartiib-tartiib ah muddo dheer korkaaga ku gasha waxa ay saamayn ku yeelan kartaa guud ahaan dareemayaasha jirka ee loo yaqaan “nervous system-ka” ama waxa ay sababi karaan xanuun ama nabro dhallaanka iyo caruurta ka haleela gacmaah iyo cagaha.

Uur-jiifta iyo dhallaanka yaryar ayaa iyagu si gaar ah ugu nugul maadadan mercuryga. Xittaa haddii aanan hooyada uurka leh lagu arag calaamado muujinaya in qaadatay maaddada mercury-ga, haddana wali arrintaasi waxa ay saamayn kartaa ilmaha uurka ku jira.

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota waxa ay ka digtay khatarta ka imaan karta haddii maadadan mercury-ga lagu tuuro dhulka ama biyaha, waxayna muujisay in ay khatartu dadka dib ugu soo noqon karto.

Maadadan iyo dadka lagada tirada badan yahay.
Sida ku cad war-saxaafadeedka, noocyada alaabaha la isku qurxiyo ah ee lagu sameeyay baaritaanka ayaa waxa dhammaantood laga soo aruuriyay dukaanno ay leeyihiin ama ay ka adeegtaan bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Afrikanka, Asianka, Latiinada iyo kuwa kasoo jeeda Bariga Dhexe ee ku nool magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul.

Waxa jira aragtiyo aan wali si cilmayaysan loo hubin kuwaas oo isticmaalka waxyaabaha la isku qurxiyo la xiriirinaya caruur badan oo ku dhasha iyaga oo maskax ahaan dhiman. Isticmaalka waxyaabaha la isku caddeeyo ama la isku qurxiyo ayaa sidoo kale caadi ka ah si waynna looga dareemi karaa magaalooyinka waawayn ee Soomaaliya, waxana loo yaqaan “Diana” oo ah magac-ganacsiyeedkii ay wadatay mid ka mida kuwii ugu horeeyay ee loo soo isticmaalo iscaddaynta ee soo gaara Soomaaliya.

Tixraaca baaritaankaas oo ku qoran Af-soomaali ka akhrisa halkan
Skin-Lightening Products Found to Contain Mercury

Sources: Minnesota department of health
Laasqoray.org
Idaacada daljir

Waad aadi kartaa hoos si aad fikrad u reebtid. Pinging is currently not allowed.

Fikrad ku darso

Content Protected Using Blog Protector By: PcDrome.